Sunday, March 15, 2026
29.3 C
Mogadishu

Jarmalka oo lagu xir-xiray dad lagu eedeeyay inay maleegayeen Afgambi

Berlin (Halqaran.com) – Ku dhawaad 25 qof ayaa loo xiray howlgallo ka dhacay guud ahaan dalka Jarmalka, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay qorsheynayeen in ay afgambiyaan dowladda.

Dowladda Jarmalka ayaa waxa ay sheegtay in kooxda xagjirka ah ee midigta-fog iyo kuwo hore uga tirsanaan jiray milatariga ay qorsheeyeen in ay xoog ku galaan dhismaha baarlamaanka ee Reichstag oo ay awoodda dalka la wareegaan.

Heinrich XIII, oo 71 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu udub dhexaad u ahaa qorshahaan. Sida laga soo xigtay xeer-ilaaliyeyaal federaal ah.

Tiro lagu qiyaasay 50 qof oo rag iyo dumar isugu jira ayaa lagu eedeyay in ay ka mid ahaayeen kooxda la sheegay in ay maleegayeen in ay afgambiyaan jamhuuriyadda oo ay ku bedelaan dowlad cusub.

Dadka la xiray ayaa lagu waday in su’aalo la weydiiyo gelinka dambe ee maanta. Wasiirka cadaalada Marco Buschmann ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in hawlgal wayn oo ka dhan ah kooxdaas uu socdo.

Dacwad oogaha dowladda dhexe ayaa sheegay in kooxdan ay maleegayeen afgambi rabshado wata tan iyo bishii November 2021-kii.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...