Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Jimcihii galabta gaaray Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, kadib weerarkii xooganaa ee xalay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen Xabsiga Boosaaso.
War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in safarka Madaxweynaha uu la xiriiro u kuurgelidda xaaladda amni ee magaaladaasi.
“Madaxweynaha safarkiisa oo ah mid shaqo wuxuu la xiriira u kuurgelidda xaaladda amni ee magaaladda iyo guud ahaan gobolka, isagoo kulamo la qaadanaya Saraakiisha Amniga iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka Bari.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Ururka Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasi ayaa dhanka kale sheegay in xabsiga ay ka sii daayeen afar boqol oo maxaabiis ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





