Monday, June 1, 2026
28.2 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo guddi u xil saartay Abaaraha ka jira dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir jara’id kaga hadlay xaalada Abaaraha iyo biyo la’aanta ee dalka, gaar ahaan meelaha ay xaaladaha binu aadantinimo ka taagan yihiin hadda, gaar ahaan xaalada abaaraha ee gobolka Gado.

Guddigan wasiirrada ah ayaa waxay kala yihiin, Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada, Wasiirka Wasaarada tamarta iyo kheyraadka Biyaha, Wasiirku Xigeenka Wasaarada tamarata iyo kheyraadka Biyaha iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ah Guddoomiyaha Guddiga.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in sanadkaan dalka ay saameeyeen biyo la’aan iyo sidoo kale abaaro meelo ka mid ah dalka.

Mr. Belye ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay sameyn doonto gurmadkii ugu horreeyay si wax looga qabto xaaladda adag ee ay wajahayaan shacabka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...