Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Garoowe ku qaabilay Safiirka Finland ee Soomaaliya

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Arbacadii maanta qaabilay safiirka Finland ee Soomaaliya, Erik Lundberg iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Saciid Deni iyo Erik Lundberg ayaa kawada hadlay mashaariicda horumarineed ee Finland ka taageerto Puntland, sida arrimaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dhallinyarada.

Madaxweynaha Puntland oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Finland ay taariikh u leedahay caawinta Soomaaliya, isagoona uga mahadceliyay dajire Erik safarka uu ku yimid.

Safiirka Finland ee Soomaaliya, Erik Lundberg ayaa intii uu ku sugnaa magaallo madaxda dowladda Puntland wuxuu ka qeybgalay furitaanka shirka qurbe-joogta Soomaaliyeed ee Finland.

Ugu dambeyn, intii lagu guda jiray shirka jaraa’id, diblumaasiga ayaa ballanqaaday in ay joogteyn doonan ka qeyb-qaadashadda soo kabashadda dowladnimadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com