Thursday, April 30, 2026
28.5 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Garoowe ku qaabilay Safiirka Finland ee Soomaaliya

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Arbacadii maanta qaabilay safiirka Finland ee Soomaaliya, Erik Lundberg iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Saciid Deni iyo Erik Lundberg ayaa kawada hadlay mashaariicda horumarineed ee Finland ka taageerto Puntland, sida arrimaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dhallinyarada.

Madaxweynaha Puntland oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Finland ay taariikh u leedahay caawinta Soomaaliya, isagoona uga mahadceliyay dajire Erik safarka uu ku yimid.

Safiirka Finland ee Soomaaliya, Erik Lundberg ayaa intii uu ku sugnaa magaallo madaxda dowladda Puntland wuxuu ka qeybgalay furitaanka shirka qurbe-joogta Soomaaliyeed ee Finland.

Ugu dambeyn, intii lagu guda jiray shirka jaraa’id, diblumaasiga ayaa ballanqaaday in ay joogteyn doonan ka qeyb-qaadashadda soo kabashadda dowladnimadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...