Saturday, April 11, 2026
28.5 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Khilaafkii ka jiray dhismaha Galmudug oo la xaliyay iyo guddiga doorashooyinka oo ka warbixiyay

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga Farsamada iyo Maamul dhisidda ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay si rasmi ah u billaaban doonto xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha guddiga farsamada iyo maamul dhisida Galmudug ayaa sheegay in is fahan buuxa laga gaarey dhammaan tabashooyinkii ay qabeen Beelaha, isla markaana laga raali-geliyey bulshada Galmudug dib u dhaca xulista Xildhibaannada.

Sidoo kale, wuxuu xusay guddoomiyuhu in xilligaan wixii ka dambeeya si toos ah loo guda geli doono xulista Baarlamaanka Galmudug, loogana baahan yahay inay u diyaar garoobaan xulista Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

Odayaasha ayaa la ogeysiiyey in ay si deg-deg ah ugu soo gudbiyaan guddiga liiska xildhibaannada si loogu gudbo howsha tan xigta.

Halka hoose ka dhageyso Codka Shirka Jaraa’id:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...