Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo khubad ka jeedinayay furitaanka kal-fadhiga 51aad ee Baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya iyo arrimaha Puntland.
Mr Deni ayaa marka hore sheegay in daadadkii ku soo rogmaday Magaalada Qardho ay guddi u saareen soo qiimaya waxyeeladu intay leeg tahay, sidoo kalena ay soo dhamaatay daraasad ku saabsan si xal waara looga gaaro daadadka soo noq noqday.
Geesta kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka hadlayay dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in Puntland ay la socoto howlgallada dalka ka socda ee looga saarayo Al-Shabaab, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan.
Wuxuu kaloo xusay, Deni in Puntland degmooyin badan oo ka tirsan laga hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, taasina ay tahay qorshaha Xukuumaddiisa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





