Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddoomiyeyaal Gobol + (Akhri Magacyada)

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay :     Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey :   Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:   Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari
  2. Waxaa Muuse Saalax Guuleed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...