Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland ‘Saciid Deni’ oo maanta ka daah furay Garoowe Shirka maalgashiga PUNTLAND

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, ayaa Axaddii maanta magaalada Garoowe ka daah furay shirka maalgashiga Puntland oo lagu soo bandhigi doono fursadaha Maal-geshi ee ka jira Puntland, kaasoo socon doona mudda saddex maalmood ah.

Waxaa shirkan ka qeyb-galaya ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa Ajnabiya oo ka kala socda dalal ka tirsan Afrika, wadamada Carabta, Shiinaha iyo Eeshiyada kale kuwaasi oo mudada shirku socdo loo bandhigi doono fursadaha maal-geshi iyo kuwa ganacsi ee ka bannaan gudaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kormeeray qaybta bandhigga Ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland oo ay kusoo bandhigeen Ganacsigooda iyo wax-soosaarkooda, waxaana ay ku bogaadiyeen dedaalkooda ganacsi iyo kasoo qayb-galkooda Shirka.

Mr. Saciid Deni oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka qeyb-galayaasha ku dhiirr-geliyay in ay maal-gashadan Puntland.

”Dowlad dowlad goboleedka Puntland waxay dejisay siyaasad maalgashi oo kuu saamaxeysa inaad maalgashi ku sameysid Puntland qayb walba iyo meelkasta oo aad daneynaysid”, ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo shirka ka hadlayay.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...