Diinsoor (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweyay magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.
Wafdiga Madaxweynaha oo ka ambabaxay Magaalada Baydhabo, ayaa safarka waxaa ku wehlinaayay Wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed.
Boqolaal ka mid ah shacabka Magaalada Diinsoor iyo Saraakiisha Ciidamada Amisom ee Degmadaasi ku sugan ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha.
Ujeedada Madaxweynaha Koonfur Galbeed u tegay degmada Diinsoor ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada koonfur Galbeed waxaa ay ku sheegeen in uu ka qeyb geli doono Xaflad lagu Caleema saarayo Maamulka Cusub ee degmada Diinsoor oo ay dhawaan doorteen.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Madaxweyne Laftagareen inta uu ku sugan yahay degmada Diinsoor uu halkaasi ka dhagax-dhigi doono mashaariic horumarineed oo laga fulinaayo degmadaas.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com









