Tuesday, April 21, 2026
29 C
Mogadishu

Madaxweynaha JFS Xasan oo ka qeybgalay Xuska sanad-guurada 79-aad ee Booliska +SAWIRRO

Muqdisho (HalQaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Sabtidii ka qaybgalay xuska sanad guurada 79aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dadaalada dowladda ee dib-u-dhiska laamaha ammaanka iyo horumarinta hannaankooda shaqo, isaga oo xusay in Sarkaal walba lagula xisaabtami doono masuuliyaddiisa.

Madaxweynaha oo kula dardaarmay Taliska guud, Talisyada Qaybaha iyo Hoggaanada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed dhowridda xeerarka iyo shuruucda ciidanka ayaa faray in ay udub dhexaad u noqdaan la dagaalanka maandooriyaha iyo musuq-maasuqa oo uu tilmaamay in caqabad ku yihiin sugidda amniga dalka.

“Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa in ay ka hortagaan in askartu Maandooriye isticmaasho. Waa cadow hortaagan in askarigu waajibkiisa guto waana in aan la oggolaan in Ciidanka Booliiska uu ka mid noqdo qof Balwad isticmaala.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale faray Saraakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan qaanuunka dalka u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoona hoosta ka xariiqay in Sarkaal waliba lagula xisaabtamidoono shaqada loo igmaday.

Munaasabaddan waxaa ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalk, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, Saraakiisha iyo Hoggaanada kala duwan ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...