DHAGEYSO WAREYSI: Wasiirka Warfaafinta K/Galbeed Ilyaas oo caddeeyay sababta uu isku casilay

Baydhabo (Halqaran.com) – Wasiirkii warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur ayaa xalay xilka iska casilay, wuxuuna is-casilaadiisa u sababeeyay weerarkii ay Jimcihii ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Laftagareen ku qaadeen guriga musharax Maxamed Aadan Fargeeti.

Wasiir Ilyaas ayaa sheegay inuu aad uga carooday markii la laayey dadkii uu ku metalay dowladnimada Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay in wax aad looga xumaado uu dadkiisa kula kacay Laftagareen.

“Dhacdo aad u fool xun oo qof qalbigiisa ay islaamnimo ku jirto uusan qaada Karin ayaa Baydhaba ka dhacday, waxaa lagu dheelay dowladnimadii aan waqtiga badan u soo hurnay, maanta waxaan ogaansaday in wixii shalay Baydhaba ka dhacay dartood aan xilka uga tago,” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta maamulka K/Galbeed.

Wasiir Ilyaas ayaa sheegay in xukunka uu u joogay in dadkiisana uu ku metelo, dowladnimadana uu wax ka dhiso, balse balan ka baxyo uu ku sameeyey hoggaanka maamulkaas.

Wareysi uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku sharaxay sababta rasmi ah ee ka dambeysay is-casilaadiisa.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga oo dhammeystiran:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com