Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha JF Somaliya oo berri codsi hordhigi doona Xildhibaanada Golaha Shacabka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta berri oo Sabti ah ah uu Xildhibaannada Golaha Shacabka u jeediyo warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

Kulanka Xildhibaannada oo lagu qaban doono xarunta KMG ah ee Villa Hargeysa ayaa la filayaa in ajendaha kulanka uu noqdo dhageysiga warbixin Madaxweyne Farmaajo u jeedinayo Xubnaha Golaha Shacabka.

Madaxweynaha JF Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in uu Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS ka codsado in loo kordhiyo muddada uu ku soo magacaabayo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka.

Si kastaba, hortagidda Madaxweyne Farmaajo ee BF Soomaaliya ayaa ku soo aadeysa Saddex toddobaad kadib markii ay xildhibaannada Golaha shacabka ay kalsoonida kala noqdeen ra’iisul wasaare hore ee XFS Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Xukuumaddiisa.

Mar walba kala soco warar xaqiiq ah iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay Halqaran.com.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...