Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha goblka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed ( Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu ka shaqeyn doono in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah.
Cumar Filish ayaa sheegay in DF Soomaaliya ay fursad siin doonto dadka ku nool Caasimadda Muqdisho si ay Codkooda ugu doortaan qofkii ay rabaan, isaga oo ugu baaqay inay ka faa’iidysteen.
Doorashada dadban ayuu sheegay ay dadka qaar ku doonayaan inay xilalka sii hayaan, taasina uu sheegay inaysan u wanaagsaneyn dadka Muqdisho.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u hiilineyso Shacabka Muqdisho, loogana baahan yahay inay garab istaagaan.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish, ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu qabtay degmada Boondheere.
Halka hoose ka dhageyso Codka Guddoomiye Cumar Filish:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





