Saturday, May 30, 2026
26.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay odayaasha dhaqanka beelo dhawaan ku dagaallamay Feer-Feer

Baladweyne (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa Kkamiista maanta Madaxtooyada Baladweyne kula kulmay Odayaasha dhaqanka Labada Beelood ee dhowaan Shaqaaqooyinka ku dhex maray Xadka Itoobiya iyo Soomaaliya ee Feer-Feer,

Dr. Waare ayaa kala hadlayay odayaashaasi nabad ku wada noolaashiyaha iyo in laga wada shaqeeyo xasilooni ka hana qaada deegaanadaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxa uu muujiyay sida muhiimka ay u tahay in laga faa’iideysto iskaashiga Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxay aheyd, maalin ka hor markii mas’uuliyiin ka kala socday Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Maamulka Gobolka Shabeelle ee Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ay xal ka gaareen Colaad beeleedka ka jiray degmada Feer-Feer.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...