Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XF Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Sabtida maanta ah gaaray Degaanka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Waxaa madaxweynaha iyo Wafdigiisa deegaannka Cali Gaduud ku soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna bogaadiyay guulaha laga gaaray howlalada lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab oo marwalba u taagan xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.
Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa dhawaan laga xorreeyey Al-Shabaab, waxaana socda abaabul kale oo argagixisada looga xorreynayo degmada Aadan-yabaal iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





