Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo dhoweeyay qaraarkii Matalaada Gobolka Banaadir ee uu shalay saxiixay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ah Madaxweynihii ugu horeeyey ee maamul goboleedyada oo soo dhoweeyay saxiixan ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid muhiim ah, isla markaana gobolka Banaadir uu helay xaq dastuuri ah oo lamid ah kuwa ay haystaan gobolada kale ee dalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa lagu bogaadiyay xildhibaanada, duubabka dhaqanka iyo dhammaanba intii ku dadaashay sidii gobolka Banaadir uga heli lahaa metelaad Golaha Aqalka Sare ee dalka.
Halka hoose ka akhriso War qoraalka Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





