Saturday, March 14, 2026
26.6 C
Mogadishu

Madaxweynaha Hirshabeelle Guulaawe oo war deg deg ah ka soo saaray dagaalka ka socda Sh/Dhexe

Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ee ku diriraya deegaanno hoos yimaada degmada Cadale in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan colaadaas.

Mr Guudlaawe ayaa xusay in ayaan darro wayn ay tahay in waqtigaan la joogo dad ehel u dhexmaro dagaal sokeeye iyadoo deegaanada Gobolka ay ka socdaan howlgallo guuleystay oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa faray Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulka Degmada Cadale, Ciidamada amniga qeybahooda kala duwan, Waxgaradka iyo Culuma’uudiinka in ay ku baxaan oo ay joojiyaan colaadaas, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah la isugu yimaado gogol nabadeed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Alle uga baryay in naxariiistiisa janno uu ka waraabiyo dhamaan dadkii ku dhintay dagaalkaas, inta dhaawacantayna waxa uu Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...