Monday, May 11, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Galmudug oo sheegay ‘lama huraan inay tahay’ in gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Aqalka Sare +VIDEO

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudud, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Talaadadii maanta hortagay Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare BF Somaliya, kadib kulan gaar ah oo lagu casuumay Madaxweyne Qoorqoor.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xarunta ku soo dhaweeyay, islamarkaana hadal kooban jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay wada shaqeyta Golaha Aqalka sare iyo dowlad Goboleedyada.

Mudane Cabdi Xaashi ayaa Madaxweyne Qoorqoor uga warbixiyay qorsha howleedka golaha iyo sharciyada ay gudbiyeen iyo kuwa horyaalla, isagoo tilmaamay in ay sharciyada horyaalla ay gudbin doonaan.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxyaabihii uu ka hadlay ka mid ahaa Maqaamka gobolka Banaadir, isagoona sheegay in 13 xubnood ee Aqalka Sare la meelmarin doono.

“Waxaan rabaa inaan is dul-taago arinta Gobalka Banaadir, Mudane Guddoomiye waxaan rabaa Aqalka Sare muddo xileedkiisa 2aad in uu metalaad ku yeesho Gobalka Banaadir, waa magaalo ama bulsho duruuf waliba oo dowlad leedahay si gaar ah ugu dhacdo, waan ku kalsoonahay inaad deddaalkiina ku biirin doontaan, Madaxweynuhuna dadaal iska saari doono, intaas ayaan usoo gudbinayaa golahaan”.

Halkan ka daawo Maamulka Madaxweyne QoorQoor:

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu dambeeyn rajo wanaagsan ka muujiyay shirka Muqdisho ka socda inuu kusoo dhammaan doono wanaag iyo isu tanaasul, laguna saxiixo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xusay in ay muhiimad gaar ah u leedahay Bulshada Sooomaaliyeed qadiyadaha arrimaha doorashooyinka Qaranka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...