Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Galmudug ‘Qoorqoor’ oo codsaday in la taageero heshiiskii doorashada dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo khudbad ka jeediyay xafladda xiritaanka shirkii Muqdisho, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan.

Mr. Qoorqoor, ayaa si guud ugu mahadceliyay Madaxda iyo wufuudii kasoo qeybgashay Shirka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo sida uu sheegay muujiyay odaytinimo iyo tanaasul muddadii uu socday shirka wadatashi.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta waqtigeeda, waxaana uu bogaadiyay Heshiiska arrimaha Doorashada ee lagu gaaray Muqdisho.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka codsaday dhammaan dadka Soomaaliyeed inay soo dhaweeyaan heshiiskaan taariikhiga ah oo laga gaaray Hannaanka Doorashada Dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...