Saturday, May 30, 2026
28 C
Mogadishu

Madaxtooyada Somaliya oo beenisay ‘in askartii loo qaaday Eritrea’ ay ka dagaallameen Itoobiya

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Talaadada maanta beenisay warar sanadkii hore soo baxay oo sheegaya in ciidankii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ay ka dagaalameen Gobolka Tigrayga ee Waqooyiga Itoobiya.

Waalidiin badan ayaa xilligaasi walaac xoogan ka muujiyay xaaladda ubadkooda, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ay qaarkood ka qaybgaleen dagaalkii ay Dowladda Itoobiya kula jirtay Jabhadda TPLF.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya, Cabdikariin Cali Kaar oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa wax ku turi-kuteen ah ku tilmaamay in ciidan Soomaaliyeed ay la dagaalameen TPLF.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya, Cabdikariin Cali Kaar / HalQaran News

Waxaa uu sheegay in shanta kun ee askari ee la la’aa la helay, uuna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga waramay guddiga waalidiinta askartaasi, markii uu dhawaan la kulmay.

Cabdikariin Cali Kaar ayaa tibaaxay inuu socdo qorshihii iyo habraacii ciidamadaasi lagu keeni lahaa dalka, balse ma sheegin waqtiga saxda ah ee dalka dib loogu soo celin doono.

Ugu dambeyn, ciidamadan ayaa muhiim u ah dagaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh iclaamiyay in ay dowladdiisu la geli doonto maleeshiyada Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...