Brussels (Halqaran.com) – Taliyayaasha Guud iyo Madaxda Ciiddamada Hubeysan ee dalalka xubnaha ka ah Isbahaysiga (NATO) ayaa la sheegay inay bishan January 18-da ilaa 19-da Kulan khaas ah ku yeelan doonaan Xaruntooda Dhexe ee ku taalla Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay sanadkan ee ay Golaha Milliteriga ee Isbahaysiga NATO yeeshaan, si ay uga baaraan-degaan Ajendayaal ay ugu muhiimsan yihiin Istaraatijiyada muhiimka u ah NATO, Xaalladaha ka jira dalka Ukraine iyo Taageerada sii socota ee ka dhanka ah Duullaanka Raashiya ku hayaan Ukraine.
War qoraal oo Isniintii shalay lagu daabacay Website-ka NATO ayaa lagu xusay in uu Kulankaasi guddoomin doono Admiral Rob Bauer oo ah Madaxa Guddiga Milliteriga ee Isbahaysiga NATO.
Taliyayaasha Guud ee 32-ka dal ee ka tirsan Isbahaysigaasi (the NATO Military Committee in Chiefs of Defense Session (MCCS) ayaa ka soo qeyb geli doonaan oo lagu casuumay dhigooda dalalka Sweden iyo Finland oo aan weli xubin ka noqon Isbahaysiga NATO.
Sidoo kale, xoghayaha Guud ee Isbahaysiga NATO, Jens Stoltenberg ayaa iyagana Warbixin siin doona Guddiga Milliteriga ee Isbahaysiga NATO arrimihii ugu dambeeyey Siyaasadda, caqabadaha dhanka Amaanka ee ku soo wajahan Isbahaysiga NATO.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com