Sunday, April 19, 2026
29.5 C
Mogadishu

Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug oo kawada hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qooqqoor).

Labadan mas’uul ayaa kulanka uga wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha la xiriira Doorashooyinka 2020/2021 oo labaduba ay u joogaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Kulanka ayaa labada madaxweyne waxaa ay uga hadleen sidoo labada dowlad goboleed ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinac walba ah, si ay u noqdaan laba maamul oo wadashaqeyn rasmi ah dhexmarta.

Waxaa magaalada Muqdisho 24-kii Saac ee la soo dhaafay ka dhacayay kulamo siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka, kaas oo ay yeelanayeen Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...