Thursday, June 18, 2026
25.4 C
Mogadishu

Madaxda DF Somaliya iyo 5-ta Dowlad goboleed iyo G/Banaadir oo Shir uga socda Xerada Afisyooni

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maanta xarunta Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ka furmay shir u dhaxeeya madaxda DF Soomaaliya iyo dhammaan shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka oo ah mid ay Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa uu noqonayaa mid markii ugu horreysay Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ay hor-fariistaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaddib saddex todobaad oo ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.

Ajandaha shirka Maanta ayaa waxaa uu yahay sidii looga heshiin lahaa Ajandaha shirweynaha wada-tashiga doorashooyinka.

Waxaana Shirka Maanta soo qaban qaabiyay Beesha Caalamka oo cadaadis saartay dhinacyada siyaadadda dalka isku haya.

Shirka Sabtida maanta ah ee uga furmay teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho Madaxda DF Somaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hordhac u ah shirweynaha wadatashiga doorashooynka, si looga heshiiyo khilaafka doorashada dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...