Turkey (Halqaran.com) – Ciidamda ilaalada xeebaha ee waddanka Turkiga ayaa soo badbaadiyay 231 qof oo tahriibayaal, kuwaas oo ay dowladda Giriiggu dib u soo celisay.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidmada ilaalada xeebaha Giriiggu ay qasab ku soo celiyeen doomihii ay wateen tahriibayaalkaan doonayay inay galaan qaaradda Yurub.
Waxaa la sheegay in dadkii la soo badbaadiyay la geeyay goobaha loogu talagalay tahriibayaasha.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa hore u sheegay in dowladda Giriiggu xoog ku soo celisay seddexdii sano ee lasoo dhaafay in ka badan 80,000 oo qof, kuwaas oo doonayay inay galaan dalalka Yurub.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





