Muqdisho (Halqaran.com) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa War-saxaafadeed kasoo saartay Shirka lagu waddo in uu Magaalada Muqdisho ku dhexmaro Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.
War qoraalka ka soo baxay Madasha ayaa loogu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu Shirka Muqdisho noqdo mid ay goobjoog ka yihiin dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Sidoo kale, Madasha ayaa xustay, in ay muhiim tahay in la qaado talaabadaan, si looga gudbo khilaafka hareeyay hannaanka doorashada 2020-ka looga gaaro go’aanno kama dambeys ah oo loo dhan yahay.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo jeedisay in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.
Ugu damebyn, waxay ku baaqday Madasha in la ballaariyo gogosha looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka, laguna casuumo hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Siyaasadeed, si looga feejignaado wax kasta oo khilaaf keeni kara.
Halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka Madasha:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






