Friday, May 1, 2026
29.9 C
Mogadishu

Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo Shir uga furmay magaalada Boosaaso + (SAWIRRO)

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay Shirka Xukuumadaha Puntland iyo Jubbaland, oo shir uga socda xarunta madaxtooyada ee magaaladda Boosaaso.

Shirkan oo ku saabsan iskaashiga labada dhinac ee arrimaha amniga, ganacsiga iyo horumarka guud, ayaa sidoo kale waxaa looga hadlaya arrimaha Siyaasadda dalka, sida Doorashooyinka, dib u eegista Dastuurka, Shidaalka iyo deeqaha lagu helo magaca Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Khamiistii gaaray Magaalada Boosaaso, halkaasi oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay.

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaan xiriir wanaagsan la laheyn dowladda Federalka Soomaaliya, waana mida keentay shir iyaga u gaar ah inay ku yeeshaan Magaalada Boosaaso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...