Friday, May 1, 2026
29.9 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo amray in si degdeg ah loo hakiyo Mashruuc maanta la saxiixay

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa amray in la hakiyo Mashruuc subixii Sabtida ay wada saxiixeen Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Hawlaha guud iyo Duqa Magaalada Muqdisho.

Mashruucaan oo ah horumarinta Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Banaadir iyo Garoowe ayaa waxaa uu ku kacaayay 112 Milyan oo doolar.

Mashruucaan ayaa waxaa ka dhashay muran, waxaana dadka qaar baraha Bulshada ay isku waydiinayeen sababta Maamul Goboledyada si siman wax loogu qaybin waayay oo qaarkood looga tagay.

Amar ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa lagu hakiyay Mashruucaasi.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono Mashruucaasi, islamarkaana si siman Maamul Goboledyada wax loogu qaybin doono, maadaama Maamulada qaar aysan ku jirin mashruuca.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...