Saturday, January 17, 2026
25.5 C
Mogadishu

Maamulka Hirshabelle oo ka hadlay dilka Nabadoon Qaloosh loogu geystay Muqdisho

Nabadoon Cabdiraxman Axmed Cabdulle (Qaloosh).

Muqdisho (Halqaran.com) – Maamulka Hirshabelle ayaa ka tacsiyadeeyay dilkii maanta Magaalada Muqdisho loogu gaystay Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdiraxman Axmed Cabdulle (Qaloosh).

Nabadoonka oo ka mid ahaa waxgaradka reer HIrshabelle ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo ay dilkiisa gaysteen rag bastoolado ku hubeysnaa.

Daa’uud Xaaji Cirro, Afhayeenka Madaxtooyada Hirshabelle ayaa qoraal uu soo saaray kaga tacsiyadeeyay geerida Nabadoon Qaloosh.

Qoraalka Cirro ayaa u qornaa:

Anigoo ku Hadlaya magaceyga Kan Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo guud ahaan Dowlad Goboleedka Hirshabelle, waxaan murugada iyo Xanuunka la qaybsanaynaa, halkaana aan tacsi tiiraanyo leh uga direyna eheladii uu ka baxay Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdiraxman Axmed Cabdulle (Nabadoon Qaloosh).

Marxuumka waxaa uu ka mid ahaa Nabadoonada Lafdhabarka u ahaa Dowlada HirShabelle, waxaase ay maanta gacan ka xaqdaran ku dishay xaafadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid.

Dhammaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumka Rabi samir iyo iimaan haka siiyo, isagiina Janadiisa haka waraabiyo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...