Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay natiijada imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad

Muqdisho (Halqaran.com) – Ku-simaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Axmed Xasan Iimaan, ayaa ugu horeyn ku amaanay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir dadaalka ay muujiyeen muddadii yareed tan iyo markii Gobolka Banaadir uu Wasaaradda Waxbarashada kala wareegay Maamulidda Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Imtixaanka Shahaadiga fasalka 8-aad ee sanadkaan ayaa waxaa u fariistay Arday gaareysa 25,426, iyadoo lagu qabtay 73 xarumood oo hoos yimaada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Axmed ayaa sidoo kale Hambalyo iyo Boogaadin u diray Ardeydii ka qey-gashay Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad, Waalidiinta, Macalimiinta iyo Dhamaan Bahda Waxbarashada, dadaalka iyo Juhdiga ay ku bixiyaan Waxbarashada.

Ku-simaha Duqa Muqdisho, ayaa balan qaaday in 10-ka Arday ee ugu sareysa ay heli doonaan Waxbarasho lacag la’aan ah Afarta sano ee Dugsiga Sare, taasi oo ay ku muteysteen buu yiri dadaalka iyo juhdiga ay ku bixiyeen Waxbarashada, Asigoo dhinaca kale xusay in lasii laba jibaari doono tayeynta Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Waa markii ugu horreysay muddo 30-sano ah kadib uu Maamulka Gobolka Banaadir qaado Imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banaadir ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...