Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu wareejiyay Agab looga hortagayo faafidda Covid-19

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa khamiistii maanta xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha hay’adda CIS.

Duqa Muqdisho, ayaa Agaasimaha Hay’adda CIS kala hadlay sidii maamulka gobolka Banaadir gacan u siin lahaa una taageri laheyd shacabka ku nool Caasimadda.

Cumar Filish, ayaa Agaasimaha Heyadda CIS kala wareegey Agab loogu talagalay ka hortagga iyo faafitaanka Cudurka Safmareenka ah ee Covid-19 oo kiisas badan oo ka mid ah laga helay gudaha Soomaaliya.

Agaasimaha Heyadda CIS ayaa balan qaaday garab istaag uu u muujinayo Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan daka danta yar oo wajahay dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in Heyadda CIS ay kala wareegeen qalab jeermis dilo ah, kaas oo loogau talo galay ka hortaggo Cudurka Coronavirus.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...