Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

Kumaaandooska Soomaaliya oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab +(SAWIRRO)

Wanlaweyn (Halqaran.com) – Howgal qorsheeysan oo ay kumaandooska xoogga dalka ee Danab ka fuliyeen deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha hoose, ayaa ay ku dileen horjooge Canshuuraha Ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa Degmada Wanlaweyn, sida lagu xusay war ka soo baxay taliska.

Horjoogahan ayaa lagu magacabaa Abuu Haashim iyo Labo kamid ah Ilaaladiisa ayaa la dilay, waxaana taliska ciidanka xoogga dalka uu sheegay in xilliga la dilayay ay ku ku jireen qaadista Canshuurta.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Gaashanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka uu yimid, kadib markii cabasho ay ka timid dadka shacabka ah ee wadadaasi isticmaala.

Kumaandooska xoogga dalka ee Danab oo ka jawaabaya cabashada dadka Soomaaliyeed ayaa Burburiyey gabi ahaanba goobihii lacagaha lagu qaadi jiray, uu sheegay, taliye Ismaaciil.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Ururka Al-Shabaab oo ku aadan warka kasoo baxay Taliska Ciidanka Danab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...