Wednesday, June 17, 2026
27.4 C
Mogadishu

Maaliyad lagu xaraashay in kabadan 1 milyan oo doolar!

USA (Halqaran.com) – Maaliyad uu lahaa xiddigii caanka ahaa ee kubadda koleyga Micheal Jordan ayaa lagu iibiyey lacag gaareysa $1.38 milyan.

Micheal Jordan oo ah xiddigii abid ugu fiicnaa kubadda koleyga ayaa xirtay maaliyaddaan xilli ciyaareedkii 1982-83, waxa uuna u ciyaari jiray kooxda North Carolina Tar Heels, waxa uuna ku guuleystay xiddiga ugu fiican ee xilli ciyaareedkaas.

Bishii October maaliyad kale oo uu u xiran jiray isla Micheal Jordan kooxda Chicago Bulls ayaa lagu xaraashay $480,000, laakiin qiimaha lagu iibsaday maaliyaddaan uu u xiran jiray kooxda North Caroline ayaa noqonaysa qiimihii ugu sarreeyay ee lagu iibsado maaliyad uu leeyahay halyeyga kubadda koleyga Micheal Jordan.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...