Thursday, June 18, 2026
27.4 C
Mogadishu

M/weynihii hore Somaliya Xasan Sheekh ‘‘Xariga wariyeyaasha waa dhaqan kali-talisnimo”!

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay dhibaatadda xarigga uu ka mid yahay ee lagu haayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegaya, in hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya aysan caawineynin dhibaatadda Wariyeyaasha.

Dowladda Soomaaliya ayuu ka codsaday joojinta Xadgudubka lagu haayo Wariyeyaasha Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan.

Xiritaanka Wariye ka howlgalayay magaalada Muqdisho ayuu ku tilmaamay dhaqan kaligii talisnimo ah.

“In loo hanjabo oo la xiro saxafiyiinta si loo aamusiyo, ma caawineyso dimuqraadiyadda dalkeena aan jecelnahay ee Soomaaliya. Xariga weriyaha weyn Mr. Gurbiye, kana tirsan Goobjoog waa calaamad muujineysa dhaqan kalitalisnimo oo socda.” Sidaas waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...