Muqdisho (Halqaran.com) – Ku dhawaad 20 qof oo ay ku jiraan lamaane aroos ahaa ayaa ku dhaawacmay hoobiyeyaal goor dambe oo xalay ahayd ku dhacay Waaxda Jeneraal Daa’uud ee Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay ayaa ka mid ah dadka kale ee ku dhaawacmay hoobiye-yaasha, ka dib markii madfac uu ku dhacay hoygooda.
“Xalay dhibaato badan baa na gaartay, hoobiyeyaal badana way soo dhaceen, laakiin xaafadda si ba’an baa loogu dhaawacmay. Aniga gurigayga laba qof baa ku dhaawacantay.” Ayay tiri haweeney ka mid ah dadka deegaanka oo la hadashay warbaahinta.
Nin isna ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inuu arkay dhaawaca lamaanihii arooska ahaa, oo gacanta iyo dhabarka ay waxyeelo ka soo gaartay.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda madaafiicdan, balse waxaa haddana lagu soo beegay, xilli Ciidamada Dowladda ay dagaal kula jireen dableydii Shabaabka ee xalay weerartay Hotel Xayaat ee Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





