Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo war ka soo saartay Weerarka maalintii labaad ka socda Hotel Xayaat

Muqdisho (Halqaran.com) – Afhayeenka Hawlgalada Ciidamada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab, ayaa ka hadlay in weerarka Hotel Xayaat ee Magaalada Muqdisho uu galay maalintii labaad.

Afhayeenka oo wareysi siiyay warbaahinta ku hadasha Afka maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegay in maleeshiyadooda ay weli gacanta ku hayaan dhismaha hotelka, Ciidamada Dowladduna ay sameeyeen isku dayo badan, oo sida uu sheegay la fashiliyay.

“Halkaas ciidamo fara badan ayey kusoo uruuriyeen, mar kastana ciidan cusub ayaa la soo galinayay goobta, waana la jebinayey, dhimasho iyo dhaawac badanna waan gaarsiinay,” ayuu yiri Cabdicasiis Abuu Muscab.

Wuxuu intaasi ku sii dayay “Hawlgalkan wuxuu yimid ayadoo Xasan Sheekh uu u qeylo dhaansaday xulufadiisa, isagoo sheegaya inuu Al-Shabaab burburin doono oo soo afjari doono, arrintaasi maanta waxay isku badashay, in ayaga xubnahooda iyo shaqaalihii dowladda halkaasi lagu baaba’iyo tacsi iyo geerina ay u taallo,” .

Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay inay dileen inta badan raggii weerarka soo qaaday, marka laga reebo xubno yar oo weli ka dhex dagaalamaya dhismaha hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee maleeshiyaadka Al-Shabaab ka gaystaan hotel ku yaala Caasimadda Muqdisho, tan iyo markii xafiiska dib loogu soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...