Sunday, May 10, 2026
31.9 C
Mogadishu

Khasaaraha ka dhashay weerarkii Ismiidaaminta ee lagu qaaday Injineerada Turkiga

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee ka dhashay Qarax Ismiidaamin ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Ciidamada iyo Injineerada Turkiga ee ku hawlan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo ka hadashay qaraxaasi ayaa waxa ay cambaareysay weerarkaasi, waxaana ay sheegtay waxyeelo inay ka soo gaartay muwaadiniin Turki ah.

Turkiga ayaa xaqiijiyay in hal Muwaadin uu qaraxaas uga geeriyooday, halka afar kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo ka mid ahaa Injineero dhisayay wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda Qaraxan waxa ay sheegeen inay ku dileen muwaadin u dhashay dalka Turkiga, sidoo kalena ay ku dhaawaceen Askar ka tirsan Booliska Haramcad.

Weerarkaasi Ismiidaaminta ah ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa Lafoole & Xaawo Cabdi, gaar ahaan halka loo yaqaan Sos oo dhismaha wadada ay mareyso.

Waa markii labaad oo qarax ismiidamin ah lagu weeraro Injineerada dhismaha ka wada wada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ay aheyd 28-kii Bishii December ee sanadkii 2019 markii qarax Gaari loo adeegsaday lagu weeraray Injineerada Turkiga xilli ay ku sugnaayeen Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye, waxaana qaraxaasi ku dhintay dad u badnaa Shacab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...