Garoowe (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland Sabtidii maanta lagu soo gebagabeeyay shirka Madasha aragti Wadaaga ee Machadka Heritage, kaas oo socday muddo Saddex Cisho ah.
Waxaa shirkan ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, guddoomiyeyaasha labada Aqal, Saddex kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada, xubno kamid ah Midowga Musharixiinta, Urrurada Bulshada rayidka iyo xubno kale.
Madasha oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 700 oo ruux ayaa waxaa looga hadlayay arrimaha doorashooyinka dalka, amniga, dhameystirka Dastuurka dalka & qabashada doorasho qof & cod ah marka la gaaro sanadka 2025 & yagleelida dowlad Shaqeysa, waxaana laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban Shan qodob.
Dhameystirka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya
1-Madasha ayaa bogaasiday dadaalada ay sameeyeen Wasaaradda Dastuurka Soomaliya & guddiyada Madaxa bannaan ee Arrimaha Dastuurka, kuwaas oo sameeyay daraasado qiimo leh soona bandhigay qodobo xasaasi ah oo la xiriira Dastuurka.
Arrimaha taabagelinta Nidaam federaal oo dhameystiran
2-Madasha ayaa dareen ka muujisay kala ragti duwanaanshaha soo noq nqoday ee ka dhaxeeya labada Heer ee dowladda, Madashu waxaa ay garawsatay dhameystirid la’aanta qodobada federaaleynta ay sabab u tahay khilaafka, waxaana ay ku baaqeen qodobo xal u noqon kara.
Arrimaha Amniga Qaranka
3-Madasha waxaa ay bogaadisay Ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab & Daacish, hayeeshee waxaa ay ka xun tahay in aan la dhaqan gelin heshiiskii amni ay gaareen dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada, kaas oo lagu saxiixay Bishii May ee sanadkii 2017 Magaalada London.
Arrimaha doorashooyinka dalka
4-Madasha waxaa ay soo dhaweyneysaa geedi-socodka siyaasadeed ee doorashooyinka ee kasoo bilawday dhuusamareeb 1, 2, iyo Saddex kuna dhamaaday 17-kii Bishii Setember Villa Soomaaliya, hayeeshee Madasha ay ka walaacsan tahay kala aragti duwanaanta ka taagan hirgelin la’aanta Heshiiska.
Madasha ayaa waxaa ay u mahad celisay Maamulka Puntland iyo Shacabka sida diiran oo ay u soo dhaweeyeen ka qeyb-galayaasha Madasha aragti Wadaaga ee Machadka Heritage iyo Madaxda machadka Heritage sida ay u soo agaasimneen Shirkaan.
Halka hoose ka akhriso War-murtiyeedka oo dhammeystiran:


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





