Sunday, March 15, 2026
28.3 C
Mogadishu

Keydka Hubka Tigreeda Itoobiya oo duqeymo lagu burburiyay

Addis Ababa (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sheegay in duqeymo lagu bartilmaameedsaday bakhaaro uu hub ku keydsanaa oo ku yaalla gobolka Tigreeda ee waqooyiga dalkaasi.

Abiy Axmed ayaa sheegay in duqeymahaasi lagu burburiyay tiro madaafiic oo goobtaasi ku keydsanaa. balse ma jirto warar madaxbanaan oo xaqiijinaya in bartilmaameedkii duqeyntaasi ay ku dhacday goobtii loogu talagalay.

Xisbiga haya talada gobolka Tigreeda ee TPLF ayaa sheegay in Khamiistii duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ka mid ah gobolkaasi.

Balse sarkaal sare oo u hadlay TPLF ayaa sheegay in Jimcihii inaysan wax duqeyn ah dhicin deegaannada gobolka Tigreeda. Dadka qaar ayaa ka cabsi qaba in arrintani ay noqoto bilowga dagaal sokeeye oo ka qarxa dalka Itoobiya.

Ra‘iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo khudbad ka jeediyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeymahani ay dhaceen Khmiistii iyo Jimcihii.

Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay in duqeymha ay sii socon doonaan tan iyo inta laga adkaanayo ciidamada gobolka Tigreeda.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xusay in duqeymaha lagu burburiyay Gantaalo, Raadaaro iyo madaaafiic yaalay gobolkaasi Tigreeda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...