Nairobi (Halqaran.com) – Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya, in dowladda Kenya ay xaalad deg deg ah ku soo rogtay gobolka Mershabit ee xuduudka la leh dalka Itoobiya, halkaasi oo rabshado xooggan ay ka dhaceen.
Dowladda Kenya ayaa sababta ku sheegtay sidii loo xakameyn lahaa colaadaha isir nacaybka ah ee ku sii kordhaya gobolka, waxaana ciidamada ammaanka oo abaabulan lagu amray inay qabtaan hubka sharci darrada ah.
Kenya ayaa sheegtay in Kooxo hubeysan oo u abaabulan hab beeleed ay dalkii ka dhigeen meel colaad iyo xasilooni darro ah, taas oo keentay in dad badan barakaceen.
Xuduuda Kenya iyo Itoobiya ayaa waxaa kusii fiday dagaalada u dhaxeeya Jabhada Xoraynta Oromia OLA’ iyo Ciidamada Dawladda Itoobiya, iyada oo dagaaladaas ay gteysteen khasaaro dhimasho & dhaawac ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





