Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Jubbaland oo Xabsi weyn ka dhiseysa magaalada Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda Garsoorka iyo arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Jubbalaand ayaa kormeer shaqo ku tagay halka dhawaan laga dhisi doona xabsiga dhexe ee Degmada Kismaayo.

Kormeerkan ayaa ujeedkiisa ahaa sidii loo baari lahaa cabirka uu ku fadhiyo booska la rabo in laga dhiso dhismaha xabsiga, kaasoo lagu wado in si toosa loo guda galo dhismihiisa sanadka cusub ee fooda nagu soo haya haddii lagu guuleysto baaritanka la marin doono.

Dhismaha xabsiga ayaa waxaa Dowlad goboleedka Jubbaland ka caawin doonta Hay’adda UNOPS, taasoo dhawr xarumood oo kale kasoo hirgalisey Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Puntland.

La-taliyaha Wasaaradda Caddaladda Garsoorka iyo arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Jubbalaand Aaden Cismaan Qalooshe ayaa sheegay in qorshahaan diyaarinta Xasiga Dhexe la diyaarinayay muda dheer balse hada uu marayo meel wanaagsan.

Sidoo kale, taliyaha xabsiga dhexe ee Magaalada Kismaayo Maxamed Caaqil Xirsi ayaa dhankiisa bogaadiyey dardarta xooggan ee uu ku socdo ka hawlgalidda dhismaha Xabsiga kaasoo uu sheegay in waddooyin badan loo soo maray hirgalintiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...