Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Jubbaland oo shuruud ku xirtay ka qeyb-galka shirka looga hadlayo doorashooyinka

Kismaayo (Halqaran.com) – Iyada oo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  khudbadii uu shalay ka horjeediyay Golaha Shacabka uu ku cadeeyay in howlaha doorashooyinka iyo amnigeeda uu ku warejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa arrintaasi durba ka hadlay dowlad goboleedka jubbaland.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland  Cabdi Xuseen ayaa sheegay in shir walba oo lagu baaqo oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka in aysan kasoo qeyb geli doonin illaa ammaanka guud ee dalka lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda Voa-da waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ra’iisul Wasaaraha uusan awood u lahayn in uu kala qaado Ciidamada isku horfadhiya magaalada muqdisho kaliyana ay tahay waxa xukuumadda xilgaarsiinta lagu wareejiyay habmaamulka doorashada iyo ammaanka goobaha ay doorashooyinka ka dhacayaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay weli taagan tahay caqabada la xiriirta arrinta Gobolka Gedo oo dowladda Soomaaliya ay ciidamo farabadan geysay, sidoo kalena amniga magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar uusan aheyn mid la isku haleyn karo.

Xubnaha mucaaradka ayaa dhankooda soo dhaweeyay tallaabada ay  qaadeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xildhibaannada Golaha Shacabka, iyaga oo ka laabtay arrintii muddo kordhinta aheyd.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...