Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Jubbaland oo hay’adda IOM kala hadashay dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay madaxa Hay’ada Socdaalka aduunka ee IOM ee Soomaaliya Frantz celestin .

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha dib u soo celinta qaxootiga iyo tageerada dadka gudaha dalka ay ku saamaysay abaartii bilo ka hor dalka ku dhufatay iyo sidii xal waara loogu heli lahaa masiibooyinka dabiiciga ah.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa uga mahadceliyay madaxa Hay’ada Socdaalka adduunka ee IOM ee Soomaaliya booqashada uu ku tegay Kismaayo, isaga oo sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta ay la leeyihiin Hay’adda IOM.

Ugu dambeyn, dad farabadan oo ka barakacay deegaannada Jubbaland ayaa qaxooti ku ah dalalka Caalamka qaarkood, kuwaas oo qaarkood doonaya inay dalka dib ugu soo laabtaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...