Scotland (Halqaran.com) – Jasiirad gaar loo leeyahay oo ku taalla xeebaha galbeed ee Scotland ayaa la raadinayaa cid gadata iyadoo lagu doonayo lacag gaareysa 111,700 oo doolar.
Guriga xaraashyada ee UK ayaa sheegay in gabi ahaanba Deer Island la iibinayo. Waxaa la soo weriyay inaysan hadda cidi daganeyn oo ay cidla tahay.
Jasiiraddaan ayaa waxaa lahaa hal qoys, qofka iibsada mustaqbalka wuxuu deris la noqon doonaa jasiirado ay leeyihiin taajiriin.
26-ka bishaan ayaa jasiiraddaan hab Online ah lagu xaraashi doonaa. Waxaana jira dad durba is diiwaan geliyay. Jasiiraddaan waxa ay ku fadhidaa dhul dhan 11 hektar.
Deer Island, waxaa lagu wadaa in dib loogu iibin karo qiimo u dhaxeeya $209,000 illaa $279,000 haddii dhismooyin laga dhiso.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





