Wednesday, March 25, 2026
27.5 C
Mogadishu

Jarmalka oo 1,500 qaxooti ah ka soo qaadaneysa dalka Gariiga

Berlin (Halqaran.com) – Dowladda Jarmalka ayaa wadda qorshe ah inay 1,500 oo qaxooti ah ka soo qaadato dalka Gariiga, islamarkaana ay siiso deganaasho.

Angela Merkel, hoggaamiyaha dalka Jarmalka iyo wasiirka arrimaha gudaha Horst Seehofer ayaa isku raacay tallaabadan, waxaana xooga la saari doona dadka qaxootiga ah ee carruurta wata.

Dowladda Jarmalka ayaa horay u go‘aamiyay in ay qaadato 150 carruur aan cidna la socon, kuwaas oo qeyb ka ahaa qorshaha Midowga Yurub ee lagu taageerayo ilmaha aanay cidna wehelin ee qaxootiga ku ah dalka Gariiga.

Cadaadiska dalaka Yurub lagu saarayo in ay aqbalaan qaxootiga ayaa yimid, kaddib markii dab qabsaday xero qaxooti oo lagu magacaabo Moria, waxaana ku guro beelay oo iminka dibadda ka jiifa 12,000 oo qof oo haween iyo carruur ay ku jiraan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...