Turkey (Halqaran.com) – Ciidamada amniga ee dalka Turkiga ayaa qabtay 34 muhaajiriin ah oo dalkaas kusoo galay si sharci darro ah.
Wararka ayaa sheegaya in dadkaan laga soo qabtay xadka Turkiya iyo Bulgaariya. Dadkan ayaa waxay kasoo kala jeeda dalalka Pakistan, Afghanistan, Ciraaq iyo Suuriya.
Si kastaba, laamaha amniga ee dalka Turkiga ayaa sheegay in dadkaan lagu celin doono dalalka ay kasoo jeedaan, iyadoo la ilaalinaayo sharciyada u yaal Turkiga.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





