Thursday, March 12, 2026
26.7 C
Mogadishu

In ka badan 20 ruux oo Soomaali ah oo ku geeriyootay dooni kula rogmatay xeebaha dalka Gariiga

Greece (Halqaran.com) – Inta la xaqiijiyay 22 qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen xeebaha dalka Gariiga, kadib markii ay la qalibantay doontii ay la socdeen oo ay dalka Turkiga ka soo raaceen.

Mid ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Gariiga oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in 20 kamid ah dadka geeriyooday ay yihiin dumar, halka labo kalena rag yihiin. wuxuu sheeegay inay doontu rogmatay markii ay xeebta soo gartay.

Wuxu sheegay in 15 kale rag ah ay ka badbaadeen doonta, kadib markii ay ka boodeen, iyagoona dabaal uga gudbay dhinaca xeebta.

Sidoo kale, wuxuu kaloo sheegay dumarka geeriyooday inay isu buurteen hal dhinac, taasoo keentay inay doonto rogmato, mana helin wax badbaadin ah.

Maydadka dadkan weli lama aasin, eheladooda oo Turkiga iyo Soomaaliya kala jooga ayaa lagu wargaliyay macluumaadkooda geeridooda.

Bishii March ee sannadkan ayay ahayd markii dhallinyaro Soomaali ah oo ka baxay dalka Turkiga oo tahriibayaal ah ay ku geeriyoodeen Jaziiradda Lespos ee dalka Gariiga.

Ugu dambeyn, Soomaali badan ayaa sannad kasta noloshooda ku waaya iyagoo doonaya inay safar tahriib ah ku galaan qaaradda Yurub.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...