Makkah (Halqaran.com) – In ka badan laba milyan oo muslimiin ah ayaa maanta ku kulansan barxadda Carafo iyaga oo gudanaya waajibaadka xajk+a oo ah mid ka mid ah shanta tiir ee diinta Islaamka ay ku dhisan tahay.
Xujeydan ayaa maanta oo Sabti ah socod ku tegay buurta Carafaat, halkaas oo1,400 sano ka hor uu Nabi Maxamed ka jeediyay khudbadiisii ugu dambeysay isaga oo ku baaqayay sinnaanta iyo Midowga ummadda muslimiinta ee ku nool daafaha caalamka.
Isku imaatankan muslimiinta isugu yimaadeen magaalada barakeysan ee Makka ayaa lagu tirayaa mid kamid ah kulamada ugu waaweyn ee dadka heysta diimaha dunidan ka jira.
Xujeyda maanta Carafo taagan ayaa saf siman oo garbaha isku haya u taagan wax ayna Alle ka baryayaan naxariis iyo janno iyaga oo habeenkii xalay ka horreeyayna ku soo Alle baryay magaalada Mina.
Inta maanta ka harsan xujeydu waxa ay ku sugnaan doonaan banka carafo iyaga oo qorax dhaca maantana ku noqon doona magaalada Mina, halkaa oo ay ku gudan doonaan cibaadada “dhagaxtuurka sheydaanka”.
Dhagaxtuurka sheydaanka ayaa ah cibaado looga daydo Nabi Ibraahim kaddib markii sheydaanku Nabi Ibraahim kula taliyay inuusan raacin amarkii Alle ee ahaa inuu gowraco wiilkiisa Ismaaciil.
Berito ayay bilaaban doonaan afarta maalin ee la xoolo-qalayo waxa ayna maalmahaasi ka dhigan yihiin dabaaldagga maalmaha ciidda ee loo yiqaanno ciidul-adxaa, Soomaaliduna ay u yaqaanaan ciidda weyn.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com