Sunday, March 15, 2026
29.3 C
Mogadishu

Dhageyso: Lafta-gareen ”Ganacsade Cali Marguus waxaa Dilay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya”

Allaha u naxariisto, Marxuum Cali Aadan Xuseen (Cali Marguus) /Sawir hore

Baydhabo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya, in Jimcihii maanta duleedka magaalada lagu dilay saddex ruux oo uu ka mid ahaa ganacsade caan ka ahaa gobolka Baay marxuum Cali Aadan Xuseen (Cali Marguus).

Allaha u naxariistee, ganacsade Cali Marguus oo horey u soo noqday Wasiir iyo Xildhibaan ayaa maanta kooxo hubeysan ku dhex dileen beer weyn oo ku lahaa duleedka Baydhabo halka loo yaqaan Maaya-fuulka, sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Halqaran.com.

Marxuum Cali Marguus oo ahaan jiray siyaasi aad looga yaqaan deegaannada Koonfur Galbeed, ayaa sanadihii dambe isaga baxay siyaasadda, isagoona noqday ganacsade ka shaqeysta magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ka tacsiyeeyay dadkii maanta lagu dilay duleedka magaalada Baydhabo, oo uu ka mid ahaa ganacsadaha caanka ah, wasiir iyo xildhibaan horeyna ahaa marxuum Cali Aadan Xuseen (Cali Marguus).

Lafta-gareen ayaa xaqiijiyay, in marxuum Cali Aadan Xuseen (Cali Marguus) ay dileen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo beertiisa dhex-deeda ugu tagay.

Marxuum Cali Aadan Xuseen Marguus ayaa waxa uu ahaa muddooyinkii dambe ganacsade iyo oday dhaqameed dadka reer Baydhabo ay si weyn ugu jeclaayeen Baraarujinta, Waxsoorka beeraha.

Haddaba hoos ka dhageyso Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne Lafta-gareyn iyo Xaqiiqda ah in ganacsade Cali Marguus ay dileen Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...