Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in dib loo billaabi doono bixinta Baasaboorka Soomaaliga maalinta berri oo Axad ah oo taariikhdu tahay, 12-ka July 2020.
War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo lagu dabaqay hanaanka ka hortagga Cudurka COVID-19, ayaa lagu sheegay in wixii ka billowda berri la bixin doona Baasaboorka.
Sidoo kale, Hay’adda socdaalka ayaa soo saartay Habraac looga taxadarayo waxyeelada Cudurka COVID-19 oo laga doonayo muwaadiniintu in ay raacaan, wuxuuna noqonayaa sida soo socota:
-Xaruun kasta oo baasaboorka laga bixiyo waxay qaabili doontaa kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%)
-Muwaadin walba oo imaanaya Xarumaha bixinta Baasaboorka waxaa laga doonayaa in uu xiranaado Af-xir (MASK) iyo Gacmo-gashi (Gloves) marka uu soo galayo xaruunta iyo inta uu gudaheeda ku jiro.
-Qofkasta waa inuu ilaaliyaa masaafada kala fogaanshaha ( Social Distance) iyadoo qof walba laga doonayo in uu istaago barta loo calaamadeeyay ama loo tilmaamey.
Dhanka kale, codsiyada baasaboorka ee muwaadiniinta ku nool Gobolka banaadir oo tiro ahaan ka badan deegaanada kale awgeed, waxaa loo Diyaariyay labada xaruumood ee baasaboorka laga bixiyo oo mid waliba qaabili doonto codsiyada muwaadiniinta degan degmooyinka raacsan sida:-
1:-XARUNTA CABDICASIIS (Dhismaha Wasaaradda Kalluumeysiga): waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 8- Degmo oo kala ah: -Cabdicasiis, KAARAAN, HILIWAA, SHIBIS, SHANGAANI, BOONDHEERE, XAMARWEYNE, YAAQSHIID.
2:- XARUNTA HODON (Guriga Shaqaalaha):- waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 9-Degmo oo kala ah : -HODON, WAABARI, WARTA-NABADA, WADAJIR, KAXDA, DEYNIILE, HOWLWADAAG, XAMAR JAJAB, DHARKEYNLEEY.
Ugu dambeyn, HSJ waxey ka codsaneysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay nidaamka iyo hababka cusub dhowraan, isla markaana la shaqeeyaan howl-wadeenada naftooda huraya ee u adeegaya waqtiga adag.
Saacaddaha qabashada araajida waa: 8:00am – 12:00 pm
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





