Friday, June 19, 2026
25.6 C
Mogadishu

Gudoomiyaha Guurtidda: ‘‘Haddii uu Farmaajo soo raaco Abiy Axmed dili mayno laakiin madaxweyne uma ictiraafsanin”!

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan 

Hargeysa (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa shaaca ka qaaday in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu Somaliland ku cadaadinayo booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Magaalada Hargeysa.

Waxaa leysla dhex maraya warar sheegaya inay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya booqasho ku taggayan Magaalada Hargeysa, kadib kulankii Farmaajo iyo Muuse Biixi ku dhex maray Magaalada Addis Ababa, toddobadkii hore.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan ayaa kulankii Axaddii maanta ee Golaha Guurtida ka sheegay inaanu Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed u keenin Madaxweyne Farmaajo, haddii kalena aanay soo dhawayn doonin.

Guddoomiye Saleebaan ayaa intaa ku daray haddii isagoo xambaarsan Madaxweyne Farmaajo ay ka soo deggaan Magaalada Hargeysa, ay mid soo dhawayn doonaan, midka kalena aanay soo dhawayn doonin.

Halka hoose ka daawo muuqaalka Guddoomiye Saleebaan:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...